Al-Shabaab oo xirtay xafiisyo Dahabshiil ay ku lahayd Gobalada Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobalada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in xarakada Al-Shabaab ay xirtay xafiisyada shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay ku leedahay magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ee ay kooxdu weli gacanta ku hayso.

Al-Shabaab ayaa albaabbada u laabtay xafiisyada Dahabshiil ee qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan, Baay iyo Bakool, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda oo codsaday inaan la shaacin magacyadooda sabab la xiriirta ammaankooda.

Shirkadda Dahabshiil waxay ka mid tahay shirkadaha xawaaladaha ee ka shaqeynayay dalka iyo dibaddaba tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Sida ay lee yihiin dadka ku sugan deegannadan Al-Shabaab ayaa shalay soo saartay amar ay ku mamnuuceyso howlaha shirkadda ee deegaannada ay kooxdu weli ka arrimiso.

Shirkadda ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta ay bixiso hay’adda Muslim News ee dalka Britain.

Xafiisyada la xiray ee Dahabshiil ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa ku yaalla Diinsoor, Waajid, Rabdhuure iyo Xuddur, halka kuwa gobolka Hiiraan ay ku yaallaan Buulo-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo tuulooyin dhowr oo ay ka mid yihiin Moqokori, Halgan, Buq-caqable, Ceel-cali, Shoow, Shoow, Buur-weyn.

Weli ma cadda sababta ka dambeysa mamnuucista shirkadda balse dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay shalay wada-hadallo kula jirtay wakiillada Dahabshiil ee magaalada Diinsoor.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here