Al-Shabaab Twitter-keedii oo mar kale la xiray

Twitter-account-suspended-374x300Shirkadda Tweeterka ayaa maanta sheegtay in la xiray bogga Tweeterka ee Al-Shabaab, waxaana la sheegay in saakay laga waayay Internetka.

Cinwaankii af-Ingiriiska ee bogga xiriirka bulshada ee Twitter ay ku lahayd Al-Shabaab ayaa maanta oo Jimco ah la xiray markii labaad sanad gudihiis.

Shirkadda ma faah-faahin sababta, balse ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab laga xiro boggan, bishii January ee sannadkan ayey ahayd markii bogga Tweeterka ee Al-Shabaab la xiray.

Marka la booqdo cinwaankii Al-Shabaab oo ahaa ‘@HSMPress1’ wuxuu Twitter kuu sheegayaa in la xannibay, iyadoo aanay kuu muuqanayn faahfaahin intaas ka badan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa bogga Tweeterka sameestay sanandkii 2011-ka waxaana wararka ay soo galiyaan kala socday halkaas dad aad u fara badan.

Al-Shabaab waa ay sheegtay in la xiray boggan HMS 1-, waxaana hadda shaqeeya bogga af-Carabiga in kastoo kii Ingiriiska lagu qori jiray maanta la xiray.

Talaadadii waxay Al-Shabaab ku soo qortay Twitter sheegasho ahayd inay weerartay kolonyo la socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal dhulka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Cinwaan lagu qoro af-Carabi oo ay Al-Shabaab ku leedahay Twitter ayaa weli shaqeynaya.

Si kastaba, boggan ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyay ee la soo dhigay ka mid ah weeraro habeen hore ka dhacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here