Al-shabaab oo xoojisay dagaalka warbaahinta {Daawo muuqaal Video}

Dagaalyahanada Al-shabaab oo bilihii ugu danbeeyay guuldarooyin is xigxigay kala kulmayay ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa hadana waxaa soo baxaya in dadka taxliiliyaarimaha milatariga ay kadigayaan in Al-shabaab ay hada xoojiyeen dagaalka dhanka warbaahinta iyagoona soo saaray muuqaalo Video ah oo lagu soo dumayo dhalinyarada ajaanibta ah iyo kuwa Soomaalida ee ku kala nool daafaha caalamka iyo wadamada Yurub ineey kusoo biiraan safkoda.

Iyagoo adeegsanaya Tiknolojiyada casriga ah islamarkaasna soo xulanaya muuqaalo saameeyn leh ayay waxay soo saareen muuqaal Video ah oo ay ugu magic dareen “Kusoo biir Mo’miniinta”.

Qayb kamid ah Video-ga waxa kujira nin fadhiya xeebta islamarkaasna wajigiisa uu daboolanyahay, ninkaan ayaa isaga isugu magic daray “Abuu-dujaana” ninkaan sida uu sheegayo waxa uu kayimid wadanka Ingiriiska, laakiin luqadiisa uma eka luqada London.

“Waxaan jeclahay inaan waqtigeeyga u adeegsado kasheekeeynta barakada dhulka jihaadka (Somalia), intaasoo dhan kahor, qof walbo intuusan inta imaanin, waxaan ku nooleen nolol ay hogaamiso nafta” ayuu leeyahay Abuu Dujaana.

Abuu-dujaana waa mid kamid ah raga ajaanibta ah ee ka barbar dagaalanta Al-shabaab uguna qatarsan, waxaa kalo ku jira Video-gan rag sideey sheegeen kayimid wadamada Swedem, Pakistan, Ethiopia, Sudan iyo Kenya, dhamaantood waxay doonayaan ineey soo jiitaan dhalinyarada kale eek u kala nool wadamadii ay kasoo tageen.

“Anaga waxay noo tahay farxad inaan udagaalano waxaan aaminsanahay waana shegya ugu qiimaha badan caalamkan, waana ku dhimaneeynaa wadada aan hada ku taaganahay” ayuu sii raaciyay Abuu-dujaana.

Muuqaalkan Video-ga ah ayaa ah mid soconaya 30-daqiiqo, waxa uuna qayb kayahay dhowr muuqaal oo Al-shabaab ay ugu talo galeen ineey kusoo dumaan dhalinyaro badan oo isugu jira ajaanib iyo Soomaalida dibad jooga ah.

Shiraz Maher, oo daraasada Radicalization kadhiga kuleejka Kings College London ayaa sheegay in Al-shabaab ay hada dagaalka warbaahinta xooga saarayaan si ay ugu soo biiraan ajaanib badan oo ka garab dagaalanta.

“Waa muuqaal Video ah oo lagaliyay qarash farabadfan, waana mid soo saaristiisa aad looga shaqeeyay…waxaana loogu talo galay in lagu kiciyo muslimiinta caalamka si ay si dhaqso ah ugu soo biiran dagaalka” ayuu yiri Shiraz Maher.

Waxaa jiray dhowr muuqaal oo sidaan oo kale ay usoo diyaariyeen raga Al-shabaab u qaabilsan warbaahinta, waxaana kamid ahaa muuqaal ay soo saareen 2011-ka kaasoo ay ugu magic dareen “Muqdisho waa Qabrigii saliibiyiinta”, waxaana markaas magaalada Muqdishoi qaybaheeda ugu badan katalinayay Al-shabaab.

Jabka Al-shabaab kasoo gaaray koofurta gaar ahaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa loo sababeeyaa abaarihii 2011 ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah koofurta Soomaaliya oo ay katalineeyn Al-shabaab kuwaasoo diiday in hay’adaha gargaarka ay kahowlgalaan meelaha ay kataliyaan.

Al-shabaab ayaa hada isugu soo aruursay dagaalka dicaayada, isqarxinta iyo weerarada ku dhufo oo kadhaqaaqda ah.

Halkaan ka daawo muuqaal Video ah oo laga diyaariyay sida Al-shabaab uxoojiyeen dagaalkoda warbaahinta:Al_Shabab_Media_16x9_WEB-FCPImportProResP1-fixed-x264-Platform_YTHDFull__005615

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here