Al-shabaab oo xirtay wadooyinka soogala iyo kuwa kabaxa Gobolka Bakool

Maamulka Doowlada KMG ee Gobolka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Al Shabaab ay xireeni waddooyin badan oo gala Magaalada Xudur ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee G/bakool oo wareeysi siinayay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dhamaan wadooyinka soo gala degmada Xudur ay xireen Al-shabaab.

waddooyin ay xireen Al Shabaab ay ka mid tahay Waddooyinka isku xira Baydhabo iyo Xudur, Rabdhuure iyo kuwa kale, isagoo shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay wadada u galaan Gawaarida Rakaabka ee kusii jeeda gobolka Bakool, islamarkaana ay gubaan kuwa kale ee Raashinka gar-gaar wada.

Gudoomiyaha ayaa hadalkisia sii daba dhigay ineey goor dhow talaabo adag kaqaadi doonaan isla markaasna ay Al-shabaab kanadiifin doonaan Gobolka Bakool gabi ahaantiis.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan eedeyntaani loo jeediyay oo ku aaddan xiritaanka waddooyinka gal magaalada Bakool, inkastoo Saraakiisha Dowladda iyo kuwa Al Shabaab inta badan ay is eedeeyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here