Al Shabaab oo Xasan Dahir Aweys u magacaabay abaanduulaha dagaalada ee koonfurta Soomaaliya

Xarakada Al Shabaab ayaa u magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys abaan duulaha dagaalyahanada AL Shabaab ee haatan ka dagaalamaya koonfurta Soomaaliya.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen saraakiisha ugu sareysa Al Shabaab magaalada Kismaayo ayey kaga hadleen qatarta Al Shabaab kaga soo wajahaan ciidamada Itoobiya, Kenya iyo kuwa AMISOM.

Shirki Kismaayo oo ay ka qeybgaleen saraakiil ay ka mid ahaayeen Abu Mansuur, Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Turki ayaa waxaa laga soo saaray in dagaalka la wado Al Shabaabna aysan quusan oo ay dagaalanto.

Sheekh Xasan Daahir oo tan iyo bilowgi sagaashamaadki kusoo dhex jiray dagaalada ayaa loo dhiibay inuu hogaamiyo dagaalada Al Shabaab ee xiligaan adag.

Al Shabab ayaa dhawaan lumiyey deegaano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana haatan ay qatar ugu jiraan in ay waayaan gobolada Bay iyo Bakool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.