Al Shabaab oo xalay weeraray saldhiga degmada Yaaqshiid

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhiga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo dhacay xalay 10:00 habeenimo ayaa ku bilowday bambooyin iyo rasaas, waxaana daqiiqado yar kadib rasaas kale laga maqlay guriga gudoomiyaha degmada Muxudiin Xasan Jurrus.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Jurus oo saakay ka hadlay shaqaaqadi xalay ayaa sheegay in ay degmada soo weerareen Al Shabaab isaga oo intaasi ku daray in ay ka dileen hal ruux.

“Xalay qoladi la baxday Al Qaacida ayaa soo weerartay saldhiga iyo gudigeyga, xabado ayey soo tuureen weyna carareen, waxaan ka dilnay hal ruux, meelaha ay soo weerareen waxaa ka mid ah gurigeyga,” ayuu yiri.

Waa marki ugu horeysay oo ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab weerar ku qaadaan saldhig ka mid ah saldhigyada Muqdisho tan iyo marki ay ka baxeen bishi August.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.