Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Dharkeenleey

Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir iyo Xarakada Al Shabab ayaa xalay saqdi dhexe kadib ku dhex maray xaafado ka mid ah degmada Dharkeenle.

Dagaalka oo bilowday abaaro 12:30 daqiiqo ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Aba Gado ee degmada Dharkeenleey halkaasi oo ay kasoo weerareen Al Shabab ciidamada maamulka degmada.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenleey Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay dib u celiyeen waxa uu ku tilmaamay kooxo qaswadataal nabad diid ah oo kasoo galay dhinaca buurta Cali Jannaale.

Macalin Cabdulle ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen sadex ruux oo rayid ah kuwaasi ooay rasaas wiifta ah ugu tagtay guryahooda.

Xaalada degmada ayaa saakay dagan, waxaana dagaalkaasi oo ahaa ku dhifoo ka dhaqaaq uu cabsi u argagax ku abuuray dadka xaafada oo saakay hadal haya saameynta uu ku yeeshay dagaalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.