al-shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday xerada laanta-buuro

al-shabaabXarun ciidan oo ku taallay deegaanka Laanta-buur ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa xalay waxaa weeraray kooxda Alshabaab.

Xaruntaasi ayaa lagu soo warramayaa in Alshabaab ay qabsadeen, lakiin majiro ilo madax banaan oo cadeyn kara.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro sida wararka qaar ay sheegayaan. Dadkan deegaankana waxay ku warramayaan in dhawaqa hub culus ay maqlayeen.

Xaruntan hadda la weeraray ayey Alshabaab weerar ku qaaday bishii Maarso ee sanadkan oo ay hub aad u badan ka qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here