Al Shabaab oo xalay madaafiic ku garaacay xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid

Laba ruux ayaa ku geeriyootay 8 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki ay xalay madaafiic ku garaaceen Al Shabaab xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda oo ahaa hoobiyeyaal ayaa waxay ku habsadeen guryo ay ku noolaayeen dad rayid ah oo ku kala yaala xaafadaha Janaraal Daa,uud iyo Sanca ee degmada Yaaqshiid.

Sideeda ruux ee dhaawacantay ayaa u badnaa dumar, waxaana isla xalay loola cararay cisbitaalka Keeysaneey ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada, madaafiicda ayaa laga soo tuuray meelo ka baxsan magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeymihi xalay loo geystay xaafadaha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.