Al shabaab oo Wiil Dhalinyaro ah Gacanta Uga Jaray Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta gacanya midig looga jaray wiil dhalinyaro ah oo ay shabaabku sheegeen in uu xatooyo geystay.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah wiil dhalinyaro ah gacan kaga goysay kaasi oo lagu soo eedeeyey fal xatooyo.

Shabaab ayaa gacanta markii ay ka gooynayeen wiilkaasi waxa ay isugu yeereen boqolaal dadweyne ah kuwaasi oo daawanayey qaabka ay ciidanka gacanta ugu gooynayeen wiilkaasi.

Wiilkaani gacanta laga gooyey ayaa lagu soo eedeeyey in uu xaday Mobile waxaana Ciidamada ay hawlgallo ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar ay gacanta kusoo dhigeen wiilkaasi oo muddo ay ku hayeen xabsi ay ku leeyihiin Jowhar.

Al shabaab ayaa inta badan macmaha, lugaha iyo qoorta ka jara dadka ay kusoo eedeeyaan falalka kala duwan ee xatooyada u badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here