Al-shabaab oo weerarkii shalay Ceelwaaq isku ekeysiiyay Ciidamada Kenya

al14-768x432Ururka Al Shabaab, ayaa bilaabay adeegsiga xeelad cusub oo ku aadan dagaalada ay ka wadaan Somaliya, iyaga oo shalay markii ugu horeysay isku ekeysiiyay ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, taasina ay ugu suuragashay inay ku qabsadaan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Xoogaga Shabaab oo wata gaadiid dagaal nooca ay isticmaalaan ciidamada Kenya ee Amisom qaybta ka ah ayaa weerar qorsheysan ku galay Degmada Ceelwaaq, halkaasi oo ay la wareegen Saldhig ciidamada Xooga dalka Somaliya ay ku lahaayeen.

Gaadiidka Amisom ee Shabaabka ay adeegsanayeen ayaa ahaa kuwii ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo 15-kii Bishii January ee sanadkaan.

Afhayeenka ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo Korneyl Warfaa Sheekh Aadan oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay weerarka Shabaab ay soo qaadeen labo mar in la jebiyay oo la iska difaacay, balse markii saddexaad ay u suuragashay inay qabsadaan Ceelwaaq.

Waxa uu sheegay iyadoo ay aheyd maalin jimco ah, xaaladana ay aheyd mid iska degan inay soo galeen Shabaabka Magaalada iyaga oo ka yimid dhanka wadada ka timaada Buusaar ee soo gasha Degmada Ceelwaaq.

Ciidamada Dowladda ee Ceelwaaq, ayaa filaayay gaadiidka inay yihiin kuwa Amisom, balse arinta waxa ay isku bedeshay dagaalayahano Shabaab ka tirsan oo ka soo dhex dagaalamay gaadiidka.

Korneyl Warfaa ayaa sheegay Afar Askari oo ka tirsan ciidanka Xooga dalka Somaliya in lagu dilay dagaalkaasi, halka uu sheegay in dhaawaca uu yahay hal Askari.

Dhankooda ma uusan sheegin Khasaaraha rasmiga ah ee Ururka Al Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi, balse wuxuu qeexay inuu jiro Khasaare Shabaabka soo gaaray.

Xaalada Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa weli kacsan, waxaana suuragal ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya inay soo qaadaan weerar Shabaab ay uga saarayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here