Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kenya dad badnaa leysay

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kenya dad badnaa leysay
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kenya dad badnaa leysay

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday dalka Kenya iyagoona dilay ugu yaraan 10 qof.

Weerarka ayaa ka dhacay deegan ku yaalla Laamuu, waxaana la sheegay in uu dhacay xaley saqdii dhexe sidda ay lee yihiin booliska.

Ilaa hadda xaqiiqo looma hayo cidda ay yihiin kooxda weerarka ku qaaday dalka Kenya, balse waxaa loo maleenayaa dagaallamayaasha Shabaab.

Shabaab ayaa toddobaadkii hore weerar ku qaaday deeganka Mbakatoni oo u dhow soohdinta Soomaaliya, waxaana ay ku dileen in ka badan 60 qof.

Weerarkaas waxaa sheegtay mas’uuliydiisa ururka Al-Shabab balse madaxweynaha Kenya ayaa ku sifeeyay weerarkaas mid ay ka dambeeyaan siyaasiyiin kuwaasoo bartilmaameed ku ahaa dad gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here