Al Shabaab oo weerar gaatin ah ku qaaday ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Kulbiyoow ciidamada is garabasanaya iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay wadada u galeen gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in baabuurkaasi ay la kacday miino ay dhulka ugu aaseeyn Shabaabka, iyadoo kadibna ay xabado ku fureen gawaari kale oo iyana ka tirsanaa kuwa ciidamada dowlada halkaasi oo uu ka bilowday dagaal.

Saraakiil u hadashay Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen weerarkaasi todobo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Deegaanka Kulbiyoow oo hoos yimaada degmada Badhaadhe ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada, waxaana wadada loo maro oo howd ah ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay Al Shabaab ku weeraraan ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.