Al-shabaab oo Warqado Hanjabaad ah ku Daadiyay Degmada Marka Waa Maxay?

Xarakad Al-Shabaab ayaa sheegay in Soomaaliya ay kala qeybsanayaan Dowlada Kenya iyo Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacanta u geli doonto Dalal shisheeye gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya.

Sida Sheekh Cali Dheere uu sheegay labada dal ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya Ee Itoobiya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in gobolada dalka qaar ay kala qeyb sadaa Sida Jubooyinka oo Kenya ay u xeed xeedaneyso halka Itoobiyana hunguri uu kahayo Baay iyo Bakol iyo waliba Hiiraan.

Wuxuuna sharxay Afhayeenka hadafka ay ka leeyihiin dowladaha daneynaya iney goboladan goostaan,waxaana uu tusaala ahaan uu u soo qaatay dowlada Kenya uu sheegay in shidaal qodis ay ka bilaabi rabto gudaha Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dagaal kala soo horjeeda dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya,waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka digayeen in dalka Soomaaliya markale uu gacan galo dalal shisheeye.

Dadka Siyaasada Soomaaliya wax kala socdana waxaa ay tuhun weyn ka qabaan in hadaf weyn uu ka dambeeyo joogitaanka ciidamada Shisheeye Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here