Al-shabaab oo soo cusbooneysiiyay weeraradooda Warbixin

Al-shabaab, ayaa maalmihii ugu danbeeyay laba laabay weerarada iyo dilalka ay ka geystay goobaha ay maamusho doowlada Federaalka Soomaaliya, kadib la wareegitaankoodii Magaalada Xudur oo 420km dhanka koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa magaalada Xudur gudaha u galay galabnimadii Axada ee lasoo dhaafay, kadib markii ay halkaas isaga baxeen Ciidanaka Ethiopia oo garab siinayay Ciidamada doowlada Soomaaliya.

Subaxnimadii Axada (10:00pm) majirin hal askari oo Ethiopian ah oo ku sugnaay gudaha Xudur” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Dadka ku nool magaalada Xudur, ayaa warbaahinta sidoo kale u sheegay, in dadka qaarkood ay magaalada isaga carareen kahor inteeysan soo galin Al-shabaab, iyagoo ka cabsi qaba in dil iyo gowrac ay ugeystaan.

Ilaa iyo hadda Xukuumada wax bayaan ah kama soo saarin kabixitaanka ciidamada Ethiopia ee magaalada Xudur.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa maalmo kahor ciidamada doowlada ka qabsaday degmada Owdiinle, oo iyadana 30km dhanka galbeed kaxigta magaalada Baydhabo, kadib laba maalmod oo halkaas dagaal qaraar ku dhexmarayay, balse markii danbo ay dib usoo ceshadeen.

Ciidamada doowlada ee isaga baxay magaalada Xudur ayaa la sheegay ineey gaareen magaalada Baydhabo.

Sidoo kale laba maalin kahor, waxaa qarax ismiidaamin ah lala bartilmaameedsaday baabuur uu watay taliyaha Nabad Suguda gobolka Banaadir, Khaliif Ereg, laakiin waxaa qaraxaas uu haleelay dad shacab oo masaakiin ah, una badnaay Arday saarneyd gaari BL ah.

Qaraxaas ayaa waxaa ugu yaraan ku naf waayay 10 qof, halka dad kaloo farabadan uu soo gaarsiiyay dhaawacyo Halis ah, sidoo kale qaraxaas waxaa ku nafwaayay mid kamid ah wariyayaasha idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho (Maxamed Cali Nuxurkeey), waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wariye (Abdurashid Nur Ibrahim), oo isna kamid ahaa shaqaalaha Radio Mustaqbal.

Dr Mohamed Yusuf, oo ah maamulaha isbitaalka Madiina, ayaa sheegay in Isbitaalkooda lasoo gaarsiiyay 4 qof oo meyd ah, iyo dhaawacyada 18 qof kuwaasoo dhamaantood kusoo waxyeloobay qaraxii doraad ka dhacay Ex-fiyoore.

Ali Mohamoud Raghe, oo ah afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidamadooda ay weeerar ku qabsadeen magaalada Xudur, sidoo kale waxa uu sheegay in ay iyagu masuul ka ahaayen qaraxii doraad kadhacay Ex-fiyoore, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay Khaliif Ereg, oo ah taliyaha Nabad sugida G/banaadir, laakiin qaraxaas waxaa ku baaba’ay dad shacab ah oo wadada marayay iyo kuwo saarnaa gaari BL ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here