Al-Shabaab oo si Dadban u Sheegtay Qaraxyadii Shalay

Xarakada Al shabaab ayaa sheegtay in dad iyaga taageera ay ka dambeeyeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere oo la hadlay wakaalada wararka AFP ayaa sheegay in rag iyaga taagarsan ay fuliyeen weerarkaasi islamarkaasna ka careysan Xaalada Soomaaliya ay ku jirto gaar ahaan faragalinta Ciidamada shisheeya ay ismiidaamiyeen sida uu hadlka u dhigay.

Cali Dheere ayaa carabka ku dhuftay inaysan iyagu si toos ah u amrin qarxyada basle ay Soomaaliya joogaan dad badan oo careysana kuwaas oo doonaya in xaalada Dalka Soomaaliya isbadahasho.

Cali Dheere wax faah faahin kama bixin dadka iyaga taageersan ee weerarkaasi fuliyey iyo waxa ay ahaayeen.

Sikastaba arrintaan ayaa waxay noqonaysaain Al-shabaab ay sheegteen masuuliyadda qaraxyadii shalay ee ay ku geeriyoodeen dadkii ay qaybta ka ahaayeen saddexda saxafi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here