Al-shabaab oo shegatay dilka saraakiil ka tirsan Nabad Sugida

Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan G/banaadir Cali Maxamed Xuseen, ayaa sheegay, in iyagu ay ka danbeeyeen dil shalay ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Suuq-bacaad, kaasoo loo gaystay laba kamid ah Ciidamada Nabad Sugida, oo mid kamid ah uu ahaa sarkaal sare, laguna magacaabo Ismaaciil.

Cali Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in ay in mudo ahba ku raadjoogeen ragaan, balse shalay qaar kamid ah Ciidamadooda amniyaadka usuurta gashay ineey qaarajiyaan.

“…Rag katirsan Ciidamada nabad sugida, in mudo ahna aan ku raadjoognay, ayaa manta gacanta mujaahidiinta uu galiyay…” ayuu yiri Cali Maxamed, oo ah gudoomiyaha shabaab ugu xil saran Muqdisho.

Ragaan ka tirsan Nabad sugida ee ay Al-shabaab shegteen in iyagu ay ka danbeeyeen dilkooda ayaa mid kamid ah waxa uu ahaa sarkaal in mudo ahba lasoo shaqeeyay doowladii KMG ahayd, waxa uuna kamid ahaan jiray ilaalada gaarka ah ee Shiikh Shariif, madaxweynihii hore ee KMG.

Waxaa is weydiin mudan halka ay Al-shabaab ka helaan xogta iyo wararka ku aadan sida ay ku helaan macluumaadka dadka ay doonayaan ineey qaarajiyaan, gaar ahaan kuwa katirsan Ciidamada Nabad sugida.

Waxaa jiro rag badan oo kazoo goostay Al-shabaab, islamarkaasna isku soo dhiibay doowlada, kuwaasoo ay doowlada aamintay dibna u howlgalisay iyagoo wata magaca Nabad sugida, sida dhowr mar dhacday ragas soo goostay waxay fuliyaan qaraxyo iyo dilal qorsheeysan, iyagoo sidoo kale macluumaadkana u gudbiya sirdoonka Al-shabaab, taasoo sahli karta in shabaabku ay beegsadaan qofkii ay doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here