Al Shabaab oo Sheegtay Weerarkii Hotel Al Jazeera

Afhayeenka guud Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen weeraradii maanta lagu qaaday Hotelka Al-Jaziira halkaasi oo kulan ugu socday xubno ka socday dalka Kenya, Kuxigeenka Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Wafula MWamiyiye, Madaxweynaha cusu ee Somalia Xasan Sheekh Maxamed iyo xubna ka tirsan xukuumadii uu waqtigeedu idlaaday ee uu ku jiray Cabdi Maxamed Cali Gaas.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ay iyagu lahayeen masuuliyadda qaraxyadaasi ismiidaaminta ahaa waxa uuna xusay in qaraxyadaasi ay fuliyeen dhalinyarada gaar ah ee ku hawl leh fulinta qaraxyada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in halkaasi ay khasaare ugu geysteen ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo siyaasiyiin kale oo beesha caalamka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maanta ayaa waxaa qaraxyo ismidaamin ah lagu weeraray hotel uu Muqdisho ka deganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Al shabaab oo siweyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay isku dayeen in ay weeraraan isla markaana qarxiyaan Hotel uu ku jiray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here