Al Shabaab oo sheegtay Qaraxii ka dhacay Xaawo Cabdi

al shabaab_1Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada inay ka dambeeyeen weerar qarax miino loo adeegsaday oo maanta barqadii ka dhacay Deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxaasi waxa ku dhintay Cali Cadoow Cali oo ahaa Xoghayihii Dawlada Hoose ee Degmada Afgooye iyo Labo katirsanaa ciidankii ilaalada u ahaa waxaana ku dhaawacmay seddex kale.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Cali Cadoow uu ku magacaabnaa Gudoomiyaha Degmada Afgooye oo weli aan lagu dhawaaqin digreetadaasi sida ay sheegeen Al Shabaab oo warbaahintooda ku daabacay in Cali Cadoow uu ahaa gudoomiyaha Degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa sargaal uhadlay waxa uu tibaaxay inay dib faah faahino kasoo gudbin donaan oo ku aadan qaraxii maanta ka dhacay Deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here