Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilka Gudoomiyihii Buur hakaba

alshabaab-logo1Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii lagu dilay maanta Gudoomiyihii maamulka degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay.

Waxa lagu qoray Al Shabaab warbaahintooda internet-ka in ciidanka gaarka ah ee Shabaabku ay weerarkaasi ku dileen Maxamed Xasan Maamoow oo ahaa gudoomiyihii degmada Buur hakaba.

Weerarka lagu dilay gudoomiye Maamow ayaa ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose waxaana uu ka mid ahaa bay yiraahdeen Al Shabaab marxuumka la dilay jaalliyada Soomaalida Norwey.

Ma jirto wax cod ah oo Al Shabaab ay kaga hadleen weerarkii maanta ay ku dileen Gudoomiyihii Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here