Al Shabaab oo sheegtay inay la wareegtay Degmada Waajid Gobolka Bakool

Al-Shabaab pushed out of key Somali townsSida laga baahiyey goor dhaweyd Idaacadaha Al Shabaabku maamulaan iyo bogga internetka ay wax ku qoraan waxa Dagaalamayaal katirsan Al Shabaab la shegeay inay la wareegeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaal ka dhacay halkaasi ayeyna shabaabku sheegeen in ay usuurta gashay gacan ku heynta Degmada Waajid oo ay kusugnaayeen Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM.

Al Shabaab ma aysan faah faahin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhankooda iyo dhinaca ciidankii ay iska horyimaadeen waxa gaaray waxayse ku faaneen in gacanta Waajid ugashay muddo ciidankooda.

Al Shabaab ayaa inta badan meelihii laga saaray Gobollada Dalka waxay ka fuliyaan weeraro lagu sheegay ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here