Al Shabaab oo sheegtay in baabur ku gubeen inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay weeraro gaadma ah oo ay labadi maalin ee lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanada loo barakacay ay ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowlada.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Abu C/raxmaan ayaa sheegay in weeraro qorsheysan oo ay ku qaadeen gaadiid ay la socdeen ciidamada dowlada shalay iyo doraad ay ku gubeen gaari sidoo kalana ay ku dileen tiro ciidama ah.

Waxa uu wacad ku maray in ay sii wadi doonaan dagaalada dhaba galka ah ee ay ku sameysanayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo haatan dagay deegaanada loo barakacay ilaa iyo degmada Afgooye.

Abaanduulaha ciidanka dowlada, General Dhagabadan oo mid ka mid ah weeraradaasi qabsaday ayaa ku tilmaamay mid naflacaarinimo ah, isaga oo beeniyey in askar loogaga dilay balse ay jireen laba ka dhaawacantay Sabtidi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.