Al Shabaab oo sheegtay in ay ciidanka Itoobiya u daba mareen deegaanka Yurkud

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen deegaanka Yurkud oo ay shalay kasoo baxeen ciidamada Itoobiya ee maanta kulaalaya magaalada Baydhabo.

War ay soo saareen Shabaab ayaa lagu sheegay in maanta ay qaadeen laba dagaal, oo midi uu ahaa kii ay ku qabsadeen deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Bay.

Afhayeen u hadlay Al Shabaab ayaa sheegay in sidoo kale ay maanta weerar ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay degmada Bardaale kuna sii jeeday magaalada Baydhabo.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in uu dhacay dagaal xoog leh oo ay Al Shabaab kala hortageen kolonyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada isugu jiray kuwaasi oo in mudo ah ku dagaalamayey duleedka degmada Bardaale.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, hase yeeshee waxaa marki danbe usuura gashay ciidamada isgarabsanaya in ay jebiyaan kuwa Al Shabaab.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee saakay soo dhaafay degmada Bardaale ayaa haatan u dhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.