Cali Dheere:”Saraakiil Mareeykan ah ayaa ku sugan Villa-Soomaaliya”

Afhayeenka Ururka Al shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage (Dheere) ayaa waxa uu sheegay inay ka war hayaan magaalada Muqdisho inay kusugan yihiin saraakiil sirdoon ah oo udhashay dalka mareykanka.

Waxa uu sheegay afhayeenku inay ujoogaan magaalada muqdisho sidii shirqool iyo dabino loogu dhigi lahaa iyaga taasina ay ka tabaabusheysteen sidii ay iskaga difaaci lahaayeen.

“Beryihii dambeeto ay ku filnaan weysay oo xarumahoodii jabuuti iyo sii shalis waxay mareykanka sirdoonkooda kusoo wareejiyeen xarunta villa somalia ayey ka dhisteen ayuu yiri sh.cali Dheere”.

Afhayeenka Al shabaab waxa uu tibaaxay inay iyaguna maleegayeen shirqoolada la damacsan yahay kuwo ka weyn in loo dhigo iyagoo sheegay inay qaraxyo iyo ismiidamin intuba la doonayaan inay la beegsadaan saraakiishaasi.

Jimcihii ayaa al shabaab waxay sheegteen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay meel ku dhaw guriga shaqaalaha wadada maka al mukarama inay ku dhaawaceen sargaalkii ugu sareeyey sirdoonka mareykanka bariga afriga oo sida ay sheegeen kusugan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here