Abuu Jacfar: “Waan diyaarinay Ciidamadi Qaban lahaa B/weyne”

Gudoomiyaha Al shabaab ee degmada Buula-burte Shiikh Abu Jacfar ayaa waxa uu sheegay in dagaalla udhaxeeya Ciidamada Amisom iyo kuwa Al shabaab uu yahay biloow.

Abu Jacfar oo boqolaal askari oo tababar loogu soo gaba-gabeeyey magaalada Buula-burte ayaa waxa uu tibaaxay in ciidamadii dib uqabsan lahaa magaalada Baladweyne ay diyaariyeen dhawaana ay la wareegi doonaan.

“Waxaad tihiin mujaahidiintii la sugayey inay la wareegaan Baladweyne,waan idin ku kalsoonahay inad dib ufurataan Baladweyne ayuu ku cel celiyey Abu Jacfar”.

Gudoomiyaha Al shabaab ugu magacaaban Buula-burte ayaa sheegay in mucaskaraadka nuucaan oo kale ah uu sii socon doono tan iyo inta dib loo riixayo shisheeyaha soo duulay sida uu yiri.

“Waxaad ku dadaashaan sidii aad udifaaci lahaydeen diinta alle,waxaad ku adkaataan sidii aad cadawga iskaga celin lahaydeen ayuu yiri Abu Jacfar’.

Hadalkaan kasoo baxay Al shabab ayaa kusoo beegmaya xilli Buula-burte oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan ay wali ku xoogan yihiin al shabaab taasi oo abaabulo kasameeyaan halkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here