Al Shabaab oo sheegatay weerarkii ka dhacay maanta Muqdisho

shabumuscab131Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerar maanta ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho waxaana weerarkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta Internet-ka ee Shabaabku isticmaalaan ayaa lagu daabacay in weerarkaasi lagu dilay Seddex Sargaal oo ushaqeynayey ciidanka Amaanka Dawlada Soomaaliya.

Afhayeenka Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahintooda ayaa waxa uu ku faanay in ciidankooda gaarka ah ay weerarkaasi fuliyeen si nabad gelyo ahna ay ubaxsadeen.

Al Shabaab waxay sheegeen in weerarkaasi uu noqonayo midkii labaad ee ka dhaca muqdisho tan iyo shalay waxaana falalka nabad gelyo xumo ee ka dhacaya Muqdisho ay noqdeen kuwo sii xoogeysaneyey saacadihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here