Al Shabaab oo sheegatay qaraxi lagu qaaday Afgooye

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay qarax ismiidaamin oo maanta lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada Afgooye.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi oo uu fuliyey qof naftii hore ah lagu dilay askar ka tirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo ku sugnaa degmada Afgooye, hase yeeshee ma jirin faah faahin dheer oo ay kusii dareen.

Dhanka dowlada wali wax war ah kama uusan soo bixin oo ku saabsan qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay, sidoo kale ma jirto war madax banaan oo sheegaya inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Waa qaraxi ugu horeeyey oo noociisa oo kala ah oo Al Shabaab ka geystaan degmada Afgooye tan iyo marki ay qabsadeen halkaasi ciidamada isgarabsanaya bishi lasoo dhaafay dhamaadkeedii.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.