Al-shabaab Oo sheegatay Masuuliyada Weeraradii Lagu Qaaday Gaarisa

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraro Axadii lagu qaaday Kaniisado kuyaal magaalada Garissa ee dalka Kenya Oo ay ku dhinteen dad kabadan 15-qofood 40-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasan Maxamuud Takar oo kamid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa xaqiijiyay in iyaga ay ka danbeeyeen weeraradii Axadii lagu qaaday Kaniisado ku yaal magaalada Gaarisa, waxa uuna sheegay in weeraradaas ay qeyb kayihiin dagaalka ay kulajiraan DowladaKenya.

Xasan Takar oo wareysii siinayay Idaacada kuhadasha afka Shabaabka ee Andulus ayaa sheegay in kaniisadaha ay weerareen lagu caabudi jiray wax aan ilaah raali ka ahayn isla markaasna ay Gaalada ku badnayd sida uu hadalka udhigay.

“Mujaahidiinta ayaa gacmahooda lagu cadaabay kuwii galkaas kujiray waana sii wadi doonaa ilaa inta laga suulinayo goobaha aan Alaah lagu caabudin waxayna fariin utahay DowladaKenyaoo ciidamo usoo dirtay Somaliya” sidaa waxaa Andulus usheegay Xasan Takar.

Xasan Takar ayaa Shabaabka uqaabilsan dhinaca Dacwada iyo Fatwooyinka.

1 COMMENT

  1. walaalka sawirka uu galiyay waa sh shibile .isagoo ku qaldaaya xasan takar. sidaan umalaynayo maxaa yeelay shibille alshabaab kama tirsana .

Comments are closed.