Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkii maareeyaha Garoonka Aadan Cade

Bayaan kasoo baxay Al-shabaab, ayaa waxay ku sheegteen ineey iyaga kadanbeeyeen dilkii xalay X.weyne loogu geystay maareeyihii Garoonka diyaaradaha Aadan Cade(Ibraahim Imaam Xalane).

Niman ku hubeysan Biskoolado ayaa xalay baratamaha X.weyne ku toogtay marxuum Xalane,iyagoo dhoowr xabadood ladhacay, mar uu kasoo baxay masaajidka.

War qoraal ahaa oo ay Al-shabaab kasii deysay idaacada kuhadasho afkooda Andulus, ee kutaala magaalada Kismaayo ayaa waxay kusheegteen in katiibada uqaabilsan madax jabinta ay fuliyeen dilkaas.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale Al-shabaab, waxay kusheegeen in dilka maareeyaha uu kamid yahay qidadooyin dilal ah oo ay kafulin doonaan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda oo ay hadda sibuuxdo gacanta ugu hayso Doowlada.

Sidoo kale waxay Al-shabaab sheegatay,in katiibadeeda qaabilsan dilalka gaadmada ah ay hadda kusuganyihiin hareeraha muqdisho iyo gudahabo, isla markaasna ay sii wadi doonaan dilalka.

Al-shabaab ayaa alaha unaxariiste Ibraahim Xalane waxay ku eedeeyn inuu u adeegayay cadawga ilaah,sidaas datrteedna dilkiisa uu waajib ahaa,waa sideey hadalka udhigeene.

Dilka maareeyaha ayaa imaanaya afar maalin kadib markii ay sidaanoo kale kooxo biskoolado kuhubeeysan ay qaarajiyeen majaajiliistihii weeynaa ee Marshaale,sidookale waxa uu kusoo aadayaa isku day dhicisoobay oo laba nin oo naftood hurayaal ah ay ku doonayeen ineey isku qarxiyaan gudaha madasha lagu ansixinayay dastuurka qabyo qoraalka.

Ficiladaan ugu danbeeyay ayaa muujinaya,in Al-shabaab ay magaalada ujoogaan kooxo habeeysan oo katirsan doowlada iyo kuwo aan katirsaneen,kuwaasoo fuliya falalka qaarijinta ah, xili ay doowlada ku mashquulsantahay doorashooyinka lafilayo in laqabto 20-ka Augusto kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here