Al-Shabaab oo mamnuucday adeegsiga taleefonada smartphones

Kooxda Al Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa ka mamnuucday dadka shacabka ah ee ku dhaqan Gobalka Shabeellaha Hoose in ay isticmaalaan Taleefonada loo yaqaano caaqilka ee smartphones.

Dad deeganka ah oo diidday magacooda sababo la xiriira xagga ammaanka ayaa sheegay in aysan jirin qof bannaanka ku isticmaali kara Taleefonka caaqilka smartphones.

“Adeegsiga Taleefonada iPhones iyo Samsung Galaxy gabi ahaan waa la mamnuucay,”sidaas waxaa yiri qof deeganka.Smartphones-2013

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray dad weynaha lagu wargaliyay in qofkii isagoo isticmaalaya taleefonka iPhones la ciqaabi doona.

Talaabadan waxaa ku dhawaaqay Al-Shabaab lakin lama sheegin ciqaabta uu la kumi doono qofka lagu arko.

Sidoo dadka deeganka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in la mamnuucay fiirsashada Talafishanka Setelayta ee Soomaaliga iyo Al-Jazeera.

“Dadka waxaa loo oggolaaday kaliye taleefonada aan Memoriga lahayn” ayuu yiri qof deeganka

Si kastaba, dadka deeganka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka cabsanayaan in la soo basaaso haddii Taleefonadaas laga isticmaalo gobalka.

Al-Shabaab ayaa gobalka gacanta ku haya goobo muhiim ah sida Baraawe iyo Qoryooley.
Al-Shabaab waxaa kaloo ay horrey u mamnuuceen daawashada cayaarta kubadda cagta iyo Filimada deegannada ay maamulaan.

Amaradan ayaa soo baxay markii diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn drones-ka ay dhowr jeer weerar ka geesteen magaalada Baraawe waxaana ugu dambeesay weerarkii bishii October lagu qaaday guri ay daganaayeen hoggamiyaal Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here