Al-shabaab oo shaacisay ninkii isku qarxiyay Hotel SYL

8al-shabaab ayaa sidii caadada u ahaydba shaacisay magaca, qabiilka iyo gobolka uu kasoo jeedo ninkii qaraxii lagu burburiyay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Wabseed ku hadla afka al-shabaab, ayaa ninka weerarkii SYL fuliyay magaciisa lagu sheegay (Shukri Cabdulaahi Diiriye) 44 sano jir ah kana soo jeeda Gobolka Gedo.

“Jaabir waa Aabe 44 jir ah, kana dhashay Beesha Mareexaan ee degta Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuu ku dhashay deegaanka Buusaar ee wilaayada Gedo sanadkii 1972-dii” ayaa lagu yiri warka ay baahisay al-shabaab.

Weerarkii Doraad lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaal kasoo horjeedka Villa-Somalia, waxaa ku nafwaayay dad gaaraya ilaa 30 ruux tiro intaas ka badana weey ku dhaawacantay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here