Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawiradda diyaarad ku dhacday Buulo-Mareer

Ururka Al-Shabaab ayaa saxaafadda u soo bandhigtay diyaarad nooca basaaska oo shaley ku soo dhacday meel duleedka ah magaalada Buulo-Mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa soo galiyay barta Tweeter-ka diyaarada oo burburtay isla markaana cad-cad noqotay, in kastoo aysan sheegin cidda iska leh diyaaraddan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa VOA u sheegay in ay jiraan xubno badan oo ururka al Shabab kamid ah oo deegaanka soo gaarayey maalmihii ugu dambeyey suuragalna ay tahay in iyaga ay soo rideen.

Hase ahaate Al Shabaab ayaan illaa iyo imika si rasmi ah u sheegin inay iyagu soo rideen diyaaraddaasi iyo in kale, laakin Afhayeenka dhinaca howlgalada al Shabaab sheekh Cabdi Casiis ayaa ka hadlay diyaaradii ku burburtay maanta degmada Buulamareer ee Sh/hoose oo ka taliyaan Shabaab.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr waddan oo ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen hawlgallo loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka

Degmada Buullo Mareer ayaa ka mid ah goobaha ay ku suganyihin kooxda al Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Bishii January ayaa ciidamada Faransiisku isku dayeen inay xoog ku soo furtaan sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo ay al Shabaab ku haysteen isla degmada Buullo Mareer.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here