Al Shabaab oo saakay xiray goobaha waxbarashada iyo ganacsiga deegaanada loo barakacay

Ururka Al Shabaab ayaa saakay albaabada isugu dhiftay dhamaan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada deegaanada loo barakacay ee ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Deegaanada Garasbaaleey, Taree Dishe, Siinka Dheer, Ceelasha, Lafoole, Carbiska ilaa iyo Afgooye ayey Shabaabku saakay geeyeen gawaari lagu xiray cod baahiyeyaal, waxaana dadku ay ku war geliyeen in aysan furi karin goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Ogeysiiskaasi deg deg ahaa ee dadka saakay lagu wargeliyey ayaa loogu amray in ay soo xaadiraan barxada Calamada halkaasi oo la rajeynayo in ay ka qudbeeyaan madaxda Al Shabaab iyo Al Qaacida.

Banaanbaxaasi waxaa la sheegay in lagu taageeri doono isku biiristi Al Shabaab iyo Al Qaacida ee uu todobaadki hore ku dhawaaqay hogaamiyaha Al Qaacida Ayman Al Zawaahiri.

Waa marki ugu horeysay oo ay Al Shabaab xanibaan dhaq dhaqaaqi ganacsiga iyo waxbarashada ee deegaanada loo barakacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.