Al Shabaab oo marki ugu horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan dowlada Turkiga

Xarakada Al Shabaab oo aanan wax war ah ka dhihin ku lug lahaanshaha dowlada Turkiga ee Soomaaliya ayaa marki ugu horeysay ka hadlay isla markaana eedeeyey.

Sheekh C/qadir Cali Muumin oo ka mid ah madaxda dhinaca dacwada ugu sareysa Al Shabaab ayaa sheegay in Turkiga aysan u joogin Soomaaliya wanaajinta umada Soomaaliyeed balse ay wakiilo uga yihiin dowladaha heysta diinta Masiixiga.

Qudbad uu ka jeediyey masjid ku yaala Ceelasha Biyaha ayuu ku sheegay in Turkiga dadka ay usoo direen Soomaaliya ay yihiin dad cilmaani ah oo wakiilo ka ah dowlado gaala ah sida uu hadalka u dhigay.

“Turkiga waa niman calmaaniyiin, halkaan nooguma joogaan kalkacal iyo walaaltinimo waxay halkaan u jogaan in ay wakiilo ka noqdaan gaalada iyo murtadiidanta kale,” ayuu yiri.

Intaasi kuma uusan ekeyne Sheekh C/qadir waxa uu shaki geliyey howlgalada walaaltinimo ee ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan dhanka gargaarka, isaga oo sheegay in dawooyinka iyo raashinka ay keenaan Soomaaliya ay yihiin kuwo dhacay.

Dowlada Turkiga ayaa tan iyo marki ay dhacday abaarti xumeyd iyo macluushi ku dhifatay Soomaaliya sanadki hore si joogta ah uga waday dalka mashaariic kheyri ah, kuwaasi oo isugu jira cunno qeybin, daweeyn lacag la,aan ah iyo deegaameyn.

Haatan Turkiga waxay bilaabayaan mashaariic xaga dib u dhiska ah, iyadoo walina ka wada Soomaaliya barnaamij deeq waxbarasho oo lacag la,aan ah oo Ardayda Soomaaliyeed wax loogu soo barayo dibada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.