Al Shabaab oo marki ugu horeysay ka hadlay la midoobista Maleeshiyada Sheekh Atam

Ururka Al Shabab ee dhawaan ka mid noqday Al Qaacida ayaa sharaxaad ka bixiyey la midoobidi maleeshiyada ka dagaalanto buuraha Galgala ee Puntland.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo la hadlay wariyaasha ayaa ku sifeeyey arrintaasi mid ay ku muujinayaan awoodooda.

“Waxay noqon doontaa mid is xoojiso si aan u qabsano kasoo bilow Raas Kambooni ilaa iyo Raas Caseyr, waxaan u soconaa in aan aduun  iyo aaqiro aan hagaajino in aan cadawga kicino, waxaan isu garabsaneynaa in aan si daacad ah oo walaaltinmo ah ula dagaalanno gaalada,” ayuu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay Shirki London isaga oo ku tilmaamay shir la mid ah kii sanadki 1884-ki ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ee lagu qeybiyey Soomaaliweyn.

“Shirk ku sheegii lagu soo gaba gabeeyey London waxaan dhihi karaa wuxuu ku jiraa booskii Shirki Berlin ee 1884-kii, Ilaaheey shirkaasi waa fashiliyey kanna wuu fashilmi doonaa, gaalada ma ahan shirki koowaad waxay qabteen shirar badan umadana way kasoo daaleen wax badan ayeyna ka barteen,” ayuu yiri.

Al Shabaab oo horanati bishaan la midowday Al Qaacida ayaa waxaa shalay kusoo biiray dhankooda dagaalyahana Buuraha Galgala ee la dagaalanta maamulka Puntland.

Puntland oo ka hadashay arrintaasina waxay sheegtay in awalba ay kooxda Maxamed Saciid Atam ahaayeen Al Shabaab arrintaasina aysan waxba kusoo kordhin doonin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com