Al-shabaab oo maanta la wareegay gacan ku haynta Xudur

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dib ula wareegeen magaaladaasi, kadib markii ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa doowlada ay saakay halkaas isaga baxeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in wax dagaal ah uusan kadhicin magaalada.

Al-shabaab ayaa markii ay Ciidamada doowlada iyo kuwa Ethiopia, isaga baxeen halkaas si buuxda iyagana ula wareegay magaalada Xudur ee Xaruunta gobolka Bakool, halkaasoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay ku sugnayen maamulka degmada Xudur iyo kan Bakool.

Lawareegitaanka Al-shabab ay la wareegeen magaalada Xudur ee xaruunta gobolka Bakool ayaa ka danbeysay kadib markii barqanimadii maanta Ciidamada Ethiopia, iyo saraakiisha gobolka Bakool ay isaga huleeleen magaalada Xudur.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in markii ay Ciidamada doowlada iyo kuwa Ethiopia isagabaxeen halkaas, ay kuwa Al-shabaab oo gafuurada u duuban dhowr jiho kasoo galeen magaalada.

Maalmihii u danbeeyey waxaa dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Bakool kuwaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxaana ay Xarakada al-Shabaab geystey goobahaas ciidamadii ugu badnaa ee ay heli kareen, taas oo la sheegay in ay culeys ku noqotey ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladdu isla markaana ay isaga baxaan magaalada Xudur oo ahayd goob istaraatiiji u ah isku xirka gobolada maadaama ay isku xirto Baay, Hiiraan iyo Gedo.

Magaalada Xudur ayaa ahayd mid ka go’doonsan inta kale magaalooyinka kale, waxaana lagu tegi jirey diyaaradaha qumaatiga u ka aoo keliya kadib markii jidadka gala oo dhan ay xireen Xarakada al-Shabaab, isla markaana waddooyinka ay Miinooyin geliyeen.

Ilaa iyo hadda macadam ujeedada ay degmada Xudur uga baxeen Ciidamada maamulka degmada iyo kuwa Etiopia, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka isagabaxay magaalada ay aadeen dhanka wadada aada Ceel-barde.

Tuulooyin deris la ah magalada Xudur mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ku sugnaa kooxda Al-shabaab, gaar ahaan tuulada “Abal” ayaa la tilmaamayaa inuu ku sugnaa Mukhtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” oo tuuladaas ku dhashay kana soo jeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here