Al Shabaab oo Maanta Jaad Ku Gubay Kismaayo

Ciidamada Xarakada Shabaab ayaa maanta howlgalo ey ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo waxey halkaasi ku gubeyn jaad fara badan waxeyna halkaas ku xir xireen ganacsato caan ka ahaay gudaha magaalada Kismaayo.

Maamulka Xarakada Al-Shabaab ayaa ganacsatada siday jaadkaasi xabsiga u taxaabtay waxaana ay dab qabad siyeen gawaaridii jaadka siday.

Maxamed Xaaji Cabdulle oo ku sugan Kismaayo ayaa Idaacadda Mustaqbal ugu warbixiyey ganacsatada xabsiga la dhigay iyo Jaadka la gubay.

Maxamed ayaa tilmaamay in ganacsadataani ay jebiyeen amar horay ay Al-Shabaab u soo saareen ee ahaa in aan Jaad lagu iibin Karin Magaalada Kismaayo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horay ugu jaadka ugu mamnuucay in lagu iibiyo Magaalada Kismaayo ee gobbolka Shabeelaha Hoose.

Ganacsatada jaadka iibisa ayaa iyagu ku andacoodo inay ku noolyihiin iibinta Jaadka islamarkaana ay ku ilmo korsadaan.

Sikastaba Ma ahan Markii ugu horeysay ee Al-Shabaab ay jaadka ka gubto ganacsato Soomaali ah iyadoona badalka jaadkaasi aysan wax.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here