Al-Shabaab oo lagu eedeeyay afduubka 19 wadaad

9435180Ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay afduubtay 19 wadaad oo diiday inay ka qeyb-galaan siminaar ay qabaneysay kooxda mayalka adag.

Cabdi Xasan Maxamed (Biyo-quute) oo Ahlu Sunna u qaabilsan degmada Ceelbuur ayaa sheegay in wadaaddada lagu afduubay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo wali ku jirta gacanta kooxda Al-Shabaab.

Biyo-quute ayaa u sheegay Bar-kulan in wadaadda la afduubay ay isugu jiraan kuwo akhrin jirtay diinta Islaamka iyo qaar ka tirsan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka.

Wuxuu cambaareeyay afduubka culumada, isagoo ugu baaqay Al-Shabaab inay si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib ugu celiso wadaaddada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ay uga jawaabeyso eedda ugaga timid kooxda ay dagaalka ku jiraan ee Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here