Al Shabaab oo la wareegay Deegaano katirsan Gobolka Sh/Hoose

al shabaab_1Warbaahinta Al Shabaab ayaa waxa lagu daabacay in saaka dagaal Xoogan uu ka dhacay Deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile ee katirsan Gobolka Sh/Hoose iyagoona sheegay inay Ciidanka Al Shabaab la wareegeen deegaanadaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisimo ciidanka Dawlada ay ku lahaayeen deegaanadaasi.

Al Shabaab waxay sheegeen in dagaalkaasi ku dileen 7 Askari halka ay seddex gaari ku gubeen waa sida ay shabaabku warbaahintooda kusoo daabaceen.

Weli Faah faahino lagama helin Maamulka Dawlada ugu magacaaban Gobolka Sh/hoose oo ay kaga warbixinayaan dagaalkii saaka Aroortii ka dhacay Tixsiile iyo Warmaxan.

Wixii kasoo kordho dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here