Al Shabaab oo Kismaayo Kusoo Bandhigay Hub ay Kasoo Qabsadeen Ciidamada Kenya

Al shabaabka maamula magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa magaaladaasi kusoo bandhigay hub farabadan oo ay kasoo qabsadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya kadib dagaaladii dhowaan ka dhacay deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Hubkan iyo gaari dagaal ayay shabaab kusoo bandhigeen meel fagaare ah oo ku taal gudaha Kismaayo.

Goob jooge aan lahadalnay ayaa soo sheegaya in gaadiid lagu soo xiray Mikrafoon ay Shabaab ku dhex wareejinayaan gudaha magaalada iyagoo dadka ugu baaqaya in ay usoo daawasho tagaan gaadiidka iyo Hubka ay Kenya kasoo furteen.

Qoryaha lasoo qabtay ayaa waxaa kamid ah AK47, Daba jeex, Qoriga MP-Ka loo yaqaan iyo rasaas kale oo aad ubadan.

Sidoo kale waxaa ay Shabaab soo bandhigeen gaari nooca dagaalka ah oo Kenya Militerigeedu leeyahay.

Gaadiidkaan iyo hubka lasoo bandhigay ayaa kusoo aaday xili Ciidamada huwanta ay sheegeen in ay ku dhow yihiin in ay qabsadaan gudaha magaaladda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here