Al Shabaab oo Kismaayo Isaga Baxay

Wararka aan ka helayno magaaladda Kismaayo ayaa sheegaaya in inta badan magaalada ay isaga baxeen Saraakiisha Al-Shabaab.

Saraakiisha Al shabaab ee ka baxay magaaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay u jiheysteen dhinaca deegaanka Beerxaani ee isla gobolka Jubbada Hoose.

Ka bixitaanka Al shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo wajahday culeys xaga militiriga oo kaga yimid Ciidamadda Huwanta.

Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo waramayaa in kaabiga ay ku hayaan magaalada Kismaayo.

Inta badan dadkii deganaa magaaladda ayaa halkaasi isaga barakacay cabsi ay ka qabaan in halkaasi markale ay dagaalo ka dhacaan.

Xaaladda Kismaayo muddooyinkaan waxay ahayd mid aad u kacsan lamana oga meesha ay ku dambeyn doonto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here