Al-Shabaab oo ka hadlay weeraro hoobiyaal ah oo lagu qaaday garoonka dayuuradaha Kismaayo

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weeraro hoobiyaal ah oo lagu qaaday shalay garoonka dayuuradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.
Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab  ayaa sheegay in xilli diyaarad  ay ka dagaysay garoonka dayuuradaha magaalada Kismaayo  ay weerar ballaaran ku qaadeen.

Afhayeenka howlgalada ee ururka Alshabaab ayaa waxa uu intaa ku daray
in qasaare xoogan ay gaarsiiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomalida ah eek u sugan magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay lagu soo rogay bandow kadib markii uu weerarka lagu qaaday garoonka dayuuradaha.

Dhowaan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Kismaayo laga soo celiyey wafdi ka socday dowlada federalka ah iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here