Al shabaab oo ka hadlay Ugaarisiga ay kuhayaan Ciidamada Nabad Sugida ee Kusugan Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha al shabaab ugu magacaaban gobolka banaadir Cali Maxamed Xuseen (Jeesto) oo la hadlay idaacada afkooda ku hadasha ayaa waxa uu sheegay in ugaarsi ku hayaan ciidamadooda amniyaatka nabad sugida dawlada somaliya.

Cali Maxamed Xuseen waxa uu tibaaxay inay sii kordhiyeen beegsiga lagu hayo dhalinyarada madax jabinta uqaabilsan ee muqdisho howlgaladaasi ka fuliya maalmihii dambena ay sii badanayeen beegsiga lagu hayo.

“Waxaa ciidamada murtadiinta Nabad sugida isku magacaabay xabsiga utaxaabayeen dadka rayidka ah iyagoo ku eedeynaya al shabaab kadibna lacag lagu soo furanayo ayuu yiri cali maxamed xuseen”.

Inkastoo si maldan uu uga hadlay ciidamada amniyaatka ee shabaabka la qabtay iyo beegsiga ay kala kulmaan nabad sugida gobolka banaadir ayaa waxa arintaasi qeylo dhaan ka muujiyey shabaab.

Cali Maxamed Xuseen waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyin ciidamada Amisom ku hayaan shacabka muqdisho ku dhaqan islamarkaana ka hadlay dhacdo jimcihii gaari amisom leeyihiin uu ku jiiray gabar 5 jir ah degmada wardhiigleey.

Gudoomiyaha banana jooga ah ee gobolka banaadir ugu magacaaban Al shabaab Cali jeesto ayaa wax laga xumaado tahay dhibaatooyinka amisom ku hayaan shacabka muqdisho ku dhaqan kuna baaqay in lala dagaalamo.

Labo maalin ka hor agaasimaha guud ee hay’ada Nabad Sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in lasii kordhin doono dagaalka udhaxeeya shabaab iyo Nabad sugida islamarkaana ay magaalada muqdisho ka saari doono.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here