Al shabaab oo ka Hadlay Rabshadaha Kasoo Cusboonaaday Kenya iyo Kaalintooda ku Aadan Waxyaabihii Dhacay

Afhayeenka Ururka Al shabaab Sh.Cabdi Casiis (Abu Muscab) oo la hadlay Wakaalada Wararka AFP ayaa waxa uu ka warbixiyey shabaab iyo kaalinta ay ku leeyihiin rabshadihii ka dhacay Kenya 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Abu Muscab ayaa tibaaxay inaysan ka qeyb qaadan wixii ka dhacay Islii labadii maalin lasoo dhaafay oo dad badan lagu dhibaateeyey iyo qarax lagu weeraray bas ay shacab kenyan ah saarnaayeen.

“Waxaa si cad usheegaynaa in al shabaab ka dambeyn wixii ka dhacay islii labadii cisho ee udambeysay,waxaase macquul ah in mujaahidiin al shabaab taageersan inay qaraxa ku fuliyeen gaariga buska ahaa ayuu yiri Abu muscab”.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Al shabaab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay arimahaasi lagu doonayo boob loogeysto hantida shacabka somaliyeed ee kenya ku leeyihiin.

Abu Muscab ayaa ku eedeeyey madax katirsan Dawlada Kenya inay kaga faa’iideystaan doorashada bisha march 2013 ka dhici doonta waddanka kenya lagu doonayo barakac la geliyo shacabka somaliyeed ee Islii ganacsiga kuleh.

Bogga Twitter-ka ee al shabaabku internetku ku leeyihiin ayaa lagu qoray warbixin looga hadlayey in Raila Odinka uu ka dambeeyey rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda xaafada islii ee magaalada Nairobi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here