Cali Dheere”Turkiga wuxuu doonayaa in gumeysi cusub dalka geliyo”

Ururka Al-shabaab ee dhawaan ku biiray Al-Qaacida ayaa ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Turkiha ay ka leedahay tahay sidii loo wiiqi lahaa dhaqaalaha dalka isla markaana gumeysi cusub u gelin laheyd Soomaaliya.

Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in markii uu fashilmay shirkii Londan mar kale ay Dowladda Turkiga qaban qaabisay shir kale oo bisha Juun ka dhici doona dalkaasi si buu yiri maxmiyad loo geliyo Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay Cali Dheere in ururka Al-Shabaab uu la dagaalami doono Turkiga si ay ugu hortagaan siyaasadda xooggan ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Hadlkan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Wargeys kasoo baxa Turkiga uu soo daabacay in Dowladda Turkiga ay dhexdhexaadineyso Dowladda KMG iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.