Al shabaab oo Isaga Baxay Deegaanka Janaa-cabdalla iyo Dagaalkii oo wali socda

Wararka naga soo gaaray gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in dagaalyahanada Shabaab ay faarujiyeen deegaanka Janaa-cabdalle oo 60Km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalkii saaka bilowday uu ilaa iyo hadda socdo, ayadoona ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ay ku soo dhowyihiin deegaanka Janaa-cabdalle oo ay Shabaab horay u joogeen.

Xaalada ayaa cakiran, dagaalku wali wuu socdaa, khasaarahama lama ogaan karo.

Wii faah faahin ah dib ayaan idinka soo gudbin doonaa insha allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here