Al-Shabaab Oo Haween Badan Askar U Qortay

Xarakada mayalka adag ee  awoodeeda sii laciifeyso  kana dagaalanta geeska afrika gaar ahaa wadanka soomaaliya ee al shabaab ayaa waxa eey bilaabeen ineey askar u qortaan gabdhaha si eey uga bar bar dagaalaman.

Xarakadan xag jirka ah ayaa waxaa soo wajahday culees miisaankiisa wata oo kaga imanaya caalamka kuwaas oo taageere xoog leh siinaya ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa amisom taasoo sababtay in laga saaro meelo badan oo muhiim u ahaa jiritaankooda dhaqaale fara badana kasoo gali jiray sida magaalada kismaayo.

Shabaab ayaa haweenkan ka dhaadhiciyey ineey kala qeyb qaatan dagaaladan oo eey waliba u sheegeen iney yihiin dagaalo jihaad ah oona janada eey ku galayaan hadeey ka qeyb qaatan.

Ilaa hada waxaa eey qorteen  450 haween ah sida eey xog hoose ku ogaatay shabakada Midnimo,com haweenkaas oo isugu jira soomaali iyo ajaaniib ka imaatay wadanka dibadiisa.

Shabaab ayaa u maleysaa iney ku fashilmeen tashkiilinti wiilasha yar yar kuwaasoo eey dagaalada gelin jireen iyagoona markaan u weecday dhanka gabdhaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here