Al shabaab oo Guulo ka Sheegtay Dagaalo ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha (Warbixin)

Saraakiil katirsan Ururka Al shabaab oo ka hadlayey mid ka mid ah warbaahinta Andalus ee al shabaab leeyihiin ayey ka sheegeen in dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalka oo ka dhacay xalay Al Nasri 3,quraca dhimbil iyo agagaarka masaajidka sheikh Rufaaci ayaa waxa saraakiisha al shabaab ay sheegeen in ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dawlada Somalia.

Dad kusugan deegaanka ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan inkastoo aysan inoo sheegin khasaaro dad rayidka kasoo gaaray halkaasi.

Al shabaab waxay sheegeen in dagaalada ay la galayaan ciidamada Amisom iyo kuwa DF somaliya waxaana lagu soo waramayaa in meelaha qaarkood markii dagaalada ay ka dhacaan shabaabku dadka ka codsadaan in la jihaado is garab taagaana.

Hogaanka ciidamada Dawlada ee kusugan deegaanada udhaxeeya Xamar iyo afgooye ayaa waxay beeniyeen in dagaalo ay ka dhaceen deegaanka Ceelasha biyaha iyagoo sheegay in al shabaab waqtigooda uu sii dhamaanayo.

Inta badan dagaalada ka dhaca gobolka dalka Somalia ee udhaxeeya ciidamada mucaaradka Al shabaab iyo kuwa Dawlada ee taageeraya ciidamada Amisom ayaa khasaaraha dhinacyada dagaalama kasokoow waxay gaaraan dadka rayidka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here