Al Shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaal ka dhacay Dh/mareeb

al shabaab_1

Dagaal Culus oo maanta ka dhacay Duleedka Degmada Dhuusa Mareeb waxa uu dhexmaray ciidanka AMISOM iyo Kuwa Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Dhuusa mareeb ee Gobolka G/gaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaalka uu ka dambeeyey kadib markii ciidan Itoobiyaan ah oo usocday dhinaca Degmada Ceel garas ay wadada ugaleen Ciidanka Al Shabaab.

Warbaahinta Internet-ka Al Shabaab ayaa waxa lagu daabacay in Askar badan ay Itoobiyaan ah ay ku dileen dagaalkaasi,waxaana Shabaab ay ku faaneen Askar ka badan Tobaneeyo ay ku dhinteen dagaalkaasi.

Xoogiisa Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada Ceel la hele ee duleedka Magaalada dhuusa mareeb waxaana weli aan jirin hadal kasoo baxaya Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee kusugan Gobolka G/gaduud oo ay dagaalkaasi uga hadlayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here