Al-shabaab oo faarujisay Kismaayo

Wararka ka’imaanaya magaala Xeebeedka Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanada Al-shabaab ay xalay faarujiyeen magaalada kadib markii lasheegan in ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay magaalada kaga soo wajahanyihiin 3-jiho.

Ciidamada doowlada Iyo kuwa Kenya ayaa lasheegay in aay hada ku suganyihiin meel magaalada kismaayo ujirta wax kayar 25km,sidookale waxaaa lasheegayaa in dhanka xeebtana ay kusoo dhowaadeen maraakiib dagaal oo lasheegay ineey qeyb kayihiin duulaanka Kismaayo.

Dad kusugan gudaha magaalada ayaa warbaahinta usheegay in Ciidamadii Al-shabaab ee dhufeyska kasameystay afaafka hore ee magaalada ay xalay faarujiyeen kadib markii ay kabaqeen duqeynta diyaaradaha qumaatiga ukaca kuwaaasoo iyagana lasheegay ineey qeyb kayihiin dagaalka.

AL-Shabaab waxaa hada so wajahaya guul darooyin is xigxiga,waxaana hadii magaalada Kismaayo laga qabsado ay kadhigantahay ineey lumiyeen magaalo aad muhiim ugu ah isla markaasna uu kasoo gali jiray daqliga ugu badan ee ay ku maalgaliyaan hoowlahooda qarbudaada iyo isqarxinta kusaabsan.

3 COMMENTS

  1. SAAXIIB WAALA HUBAA AMA YAANAN LA HUBIN LAAKIIN WAA HUBAAL OO HAWSHU WAAY SOCOTAA HABSAMI IYO HANWEYNI KISMAAYO WEYNU HEEYNAA HADAL IYO DHAMAANTII HAWSHU WEY DHAMAATOO HADAFKEENU WAAYNU GAADHNAY ALAAHU AKBAR TAKBIIR ALAAHU AKABAR

    • Waa lahuba ina al shabab gabalkodu dhacay cuqubada qaraxyadi aya qabsatay waxan rajayna inay katoba keni donan intodi wax garata inti sohadhane wa la ciqabi dona insha ala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here